EX Madaxweyne Sheikh Shariif. Farmaajo Anigaa Dalka keenay kama yeeleyno in uu Dalka ku Ciyaaro.

1537

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay ku socoto hannaan qaldan oo keenaya in dowladda burburto.

“Waxaan rabaa warkeyga inuu cadaato dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto kama aqbali karno Maxamed C/llaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”.