Faah.faahin. Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Galmudug. & Ujeedka Socodalkiisa.

1538

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu yimaado magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Ujeedja Madaxweyne Farmaajo u imanayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay inay tahay si uu u soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu soo xiro doono shirka, islamarkaana ay si weyn ah u soo dhaweynayaan wafdiga Madaxweynaha.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa Ku sugan dhamaan ergooyinka ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Qaban qaabadii ugu dambeysay soo dhaweynata Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.