SAWIRRO Qaraxii Suuqa Muqdisho Mall ee Xamar weyne

1946

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta dowladda Hoose ee Xamar, waxaana wararka ay sheegayaan inuu ka dhacay Baar-Italia oo ku dhagan suuqa Muqdisho Mall iyo xarunta Dowlada Hoose.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xernaa mid kamid ah gaadiidka la dhigtay agagaarka Mall-ka degmada Xamarweyne, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay degmada X/Weyne, waxaana dadka geeriyooday ku jiro shaqsiyaad ku jiray guri ku dhow goobta qaraxa uu ka dhacay uu kusoo dumay.

Qaraxa ayaa u muuqda inuu ahaa mid gaariga loogu xiray ruuxii watay, waxaana socda baaritaanka sida gaariga uu ku tagay goobta uu ku qarxay.