Faarax Cali Shire “Puntland dagaal baa ka dhacaya”

25

Wasiirkii hore ee maaliyadda Maamulka Puntland Faarax Cali Shire ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni uu ka shaqeynayo dagaal ama weerar uu ku qaado ciidamada PSF kuwaasooka soo laabtay Magaalada Laas-caanood oo lagu qabtay Jimcihii calaame saarka Mzadaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari.

Siyaasigaan wuxuu ku eedeeyay Saciid Dani inuu Tikniko badan oo gaareysa 29 uu geeyay Boosaaso si ay weerar u qaadaan oo dagaalna looga dhex rido ciidamada Puntland dhexdooda sida uu warka u dhigay .siyaasiga Faarax Cali Shire

“Puntland dagaal baa ka dhacaya, waxaana ridaya Deni, Waxaan ka baqaynaa inay Puntland burburto oo magaalo kaste maleyshiyo qabsato,” ayuu yiri Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay Faarax in ciidamada Imaaraadku maalgeliyay ay caqabad ku yihiin amniga Puntland,sababtana wuxuu ku sheegay in kaligood ay mushaar qaata halka ciidamada Daraawiishta Puntland 6 ilaa 7 Bilood aysan mushaara qaadan .

“29 tikniko ah ayaa laga keenay Boosaaso ,magaalada ayay soo dhexmareen,ogow kuwii kalana xalay ayay magaalada soo galayeen,hadii Saciid Dani dagaal qorsheyneyn muxuu 29 Cabdi Bile Boosaaso uga dalbaday” ayuu mar kale yiri Faarax Cali Shire.