Fahad Yaasiin Oo Goor Dhow Gaaray Baladweyne+SAWIRRO

1372

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyne, Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyay La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inuu Maanta qaato shahaadada Musharaxtinimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasi oo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne, sida uu qorshahu yahay.

Shalay ayaa waxaa Baladweyne gaaray diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Nabadsugida dowladda oo ilaalo ah Fahad, sidoo kalena waxaa halkaas ka degay diyaarado sidday ergada doorashada kursiga HOP086.

Doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaaladaas, waxaana doorashada kuraasta ku jira kursiga uu sharaxan yahay La-taliyaha amniga Qaranka.