Fahad Yaasiin oo Itoobiya u tegay qorshe ka dhan ah Galmudug & Jubbaland

1648

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay qorshe uu wado ku-simaha agaasimaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Somalia NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah la geeyo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Qoraal uu faafiyey ayuu ku sheegay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir in kusimaha hay’adda Nabadsugidda uu Addis ababa u tegay dhowr jeer isagoo raadianya ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyo magaalooyinkaasi, wuxuuna yiri:

“Wiilka ku simaha ka ah hay’adda Nabadsugida ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Willku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale…”

C/raxmaan C/shakuur Wuxuu baaq u diray dowladda Itoobiya, isagoo ka dalbaday inay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017kii iyo tii maamul Goboleedka K/Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.