Fahad Yaasiin oo kulaabtay Muqdisho

1232

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimihii shaqada laga joojiyey ee hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu soo gaarey Muqdisho kadib maalmo uu ka maqnaa dalka isla markaana safar aan la shaacin ku joogey magaalooyin katirsan waddanka Turkiga oo ay saaxiib dhow yihiin madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

Fahad Yaasiin ayaa ku eedaysan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd hay’adda Sirdoonka ee NISA, islamarkaana raq iyo ruuxba la waayay, inkastoo hay’addaas sheegtay in Al-shabaab dileen.

Dilkii Ikraan Tahliil ayaa keenay in habeen ka hor Ra’iisul wasaare Rooble shaqa-joojin ku sameeyo Fahad Yaasiin, balse madaxweyne Farmaajo ayaa ka horyimid go’aanka RW Maxamed Xuseen Rooble.