Fahad Yaasiin oo lagu xiray Jabuuti

1231
Wararka ka imaanaya Djibouti ayaa sheegaya in dayaaradda Turkish Airlines oo saaka Muqdisho tagi lahayd ay weli ku xayiran tahay garoonka magaalada Djibouti muddo afar saacadood ah.
Dayaaradda oo xalay kowdii habeennimo kasoo ambabaxday magaalada Istanbul, ayaa waxa saaran Taliyihii Hore ee Nabad Sugidda, Fahad Yasin, oo u socda magaalada Muqdisho.
Muddo saacado ah ayaa rakaabka loo sheegayay in ay cillad jirto – markii dambena lagu wargeliyay in la sugayo hawlgal Xamar ka socda.
Ciidamada booliiska Djibouti ayaa lagu soo warramay inay hadda ay dayaaradda ka wadeen Fahad, rakaabkana waxaa loo sheegay in dayaaradda la fasixi doono oo ay Muqdisho tagi doonto.