Fahad Yaasiin oo loo diiday inuu ka qeybgalo shirka la dagaalanka argagixisadda oo Xalane ka dhacay

1785

Wararka ka imaanaya magaalad Muqdisho ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay go’aan xarunta Xalane loogu diiday taliye kuxigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ee NISA, Fahad Yasin Xaaji Dahir.
Fahad sidoo kale waa kusimaha taliyaha NISA iyo ninka ugu awooda badan Dowlada hada jirta, laakiin dhibku waa inuu ku shaabadeysan yahay la shaqeynta kooxda Al Shabaab.
Maamulka Xalane ayaa diiday inuu Fahad ka qeyb galo shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada oo ka dhacayay xarunta Xalane. Saraakiisha Amisom ayaa Fahad ayaa u sheegay inuu ku jiro dad laga mamuucay iney soo galaan Xalane.
Fahad iyo ciidamo la socday ayaa la sheegay iney isku dayeen iney arrintaas ka gadoodaan oo ay isku dayaan iney xoog ku galaan, laakiin uma suurtoobin.
Safaaradaha USA, UK iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa ciidamada Amisom ku wargaliyay in uusan Fahad Yasin soo galin xarunta Xalane, sidoo kale xubnaha la socda sida Kulane iyo Sakariye Ismaaciil ayaa laga mamnuucay Xalane.
Fahad ayaa la sheegay inuu u dacwooday madaxweyne Farmaajo isagoo ku doodaya inuu xaq u lee yahay inuu ka qeyb galo kulamada amniga looga hadlaayo ee ka dhacaya xarunta Xalane, laakiin Farmaajo ma bixin karin amar madaama Xalane aaney gacanta ugu jirin Dowlada Soomaaliya.
Fahad Yasin iyo xubnaha sar sare ee NISA ayaa inta badan lagu tuhmaya iney gacan saar la lee yihiin kooxda Al Shabaab, waana mida sababtay in loo diido Xalane.