Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan

824

La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha ahna Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji, ayaa ku guuleystay kursigan summadiisu tahay HOP#086, oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Fahad Yaasiin ayaa helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Maxamed Ahmed uu heley 24 cod. Sida uu ku dhawaaqay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle.

 

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa horay u hakiyay qabashada doorashada kursiga HOP#086 ee uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, balse Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa ku gacan-seyray.