Fahad Yaasiin oo markii ugu horaysay maanta kasoo muuqday kulan Amniga looga hadlayay

1847

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ahna Taliye kuxieenka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa maanta ka soo muuqday kulankii u horeeyay oo looga hadlayay ammaanka, kaasoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska Saaldhigyada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa Kusimaha NISA uu diiday in sawiro iyo muuqaal la qaado, waxaana uu ka dhacay kulanka Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ee School Polizio, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya inuu Kusimaha NISA kala hadlay Mas’uuliyiinta Maamulka degmooyinka iyo saraakiisha ammaanka inay ka shaqeeyaan ammaanka Caasimadda Muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro.

Sidoo kale Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ayaa kala hadlay sidii looga feejignaan lahaa weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca Muqdisho iyo goobo laga yaabo inay Al-Shabaab qaraxyo ka fuliyaan.

Waa kulankii u horeeyay ee Amni oo fagaare ahaan uga soo muuqdo Kusimaha Taliyaha NISA oo ah nin inta badan iska qariya fagaarayaasha iyo meelaha dadka isugu yimaadaan, labadii sano ee uu saameynta ku lahaa siyaasadda dalka.