Falanqeyn : Waa Maxay Sababta Ay Arsenal U Caydhisay Unai Emery Laakiin Ayna Man United U Caydhin Ole Gunnar Solskjaer Inkasta Oo Uu Ka Rikoodh Xun Yahay Emery?

1733

Kooxda Man United ayaa mar kale ku hor kuftay taageerayaasheeda Hortooda kulan ka dhacay Old Trafford iyaga oo bar-baro 2/2 ah ku dhaafi waayay kooxda Man United.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 9-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan horyaalka lagana badiyay 4 kale sidoo kale bar-baro galay 6 kulan oo kale.

Laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali sii haysta shaqada tababaranimo ee kooxda Man United inkasta oo uu ka wax qabad xun yahay tababarihii laga caydhiyay shaqada Arsenal ee Unai Emery inkasta oo uu ka shaqo fiican yahay Ole Gunnar.

Hadii aynu is bar-bar dhigno labada tababare Emery ayaa la kulmay kaliya 3 guuldaro oo horyaalka ah halka Solskjaer la kulmay 4 guuldaro halka bar-barahana ay isaga mid yihiin.

Hadaba waxa aan Falqayntan ku eegi doonaa sababta Ay Arsenal shaqada uga caydhisay Unia Emery oo ay United ilaa haatan u caydhin laadahay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

1.Hamiga Labada Kooxood:

Kooxda Man United ayaa sida iska cad kaliya dhaqaale ka doonaysa kooxda Man United laakiin aan qiimaynayn ama doonayn in ay kooxdu ku soo laabato ku guulaysiga koobabka kala duwan sidii wakhti looga bartay.

‘Maya, Maya, Maya’ anigu sidaas ma odhan waxa afkooda laga hayaa tababare Jurgen Klopp markii ay dalabka ka gudbisay Man United, Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Marouane Fellaini iyo waliba tababare Jose Mourinho kuwaas oo dhamaantood isku raacay in ay maamulka Man United kaliya doonayaan in ay lacag ka soo saaraan kooxda laakiin ayna diyaar u ahayn in ay kooxdu gaadho guulo waliba koobab ku guulaysato.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa muujisay hamigeeda ah in ay koobab ku guulaysato kooxdu inkasta oo ay milkiilayaasheedu dhanka lacagta ku adag yihiin hadana arintaas ayaa is badashay kadib markii ay kooxdu si buuxda u garab Istaagtay tababare Unai Emery una soo iibisay xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Kadib markii uu Unai Emery keeni waayay natiijooyinkii ay ka sugayeen kooxda waxa ay go,aansadeen in ay iska caydhiyaan tababaraha reer Spain waliba badalkiisa raadiyaan halka ay Man United ku faraxsantahay in uu Ole Gunnar Solskjaer silciyo kooxda sida uu doonana u maamusho kaliya hadii ay ka helayaan lacag fiican kooxda sida maaliyadaha iyo garoonka taageerayaasha soo booqda.

2.Cadaadiska Taageerayaasha:

Taageeryaasha Kooxda Arsena ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore bilaabay sidii ay maamulka kooxdooda ugu cadaadin lahaayeen sidii shaqada looga caydhin lahaa tababare Unai Emery taas oo keentay in ay maamulku ugu dambayn shaqada ka caydhiyaan tababare Unai Emery.

Dhanka kale taageerayaasha Kooxda Man United ayaa qiimayn iyo Ixtiaam u haya tababare Ole Gunnar Solskjaer sabab la xidhiidha in uu yahay halyeey kooxda u soo ciyaaray waliba guulo la soo gaadhay sidaas darted waxa ay garab taagnaayeen tababaraha wakhtigii ugu dambeeyay laakiin samirka ayaa haatan ka dhamaaday iyaga oo xalay baraha bulshada ku dalbaday in la caydhiyo tababaraha reer Norway.

3.Xiddigaha Labada Kooxood:

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali haysta kalsoonida iyo taageerada xiddigaha kooxda iyaga oo u dagaalamaya tababaraha dartood sida ka muuqatay qaab ciyaareedkii kulankii Sheffield United ee qaybtii dambe kadib markii uu si fiican ula soo dar-daarmay iyaga oo qaatay hadalkooda dibna ugu soo laabtay ciyaarta waliba soo bandhigay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan tan ilaa kulankii Chelsea.

Dhanka kale Xiddigaha Kooxda Arsenal ayaa lumiyay kalsoonida tababare Unai Emery iyaga oo u ciyaarayay sidii shaqada looga caydhin lahaa waliba aan si niyad ah kooxda ugu ciyaarayn si ay u gaadhaan guulo taas oo ugu dambayn sabab u noqotay in shaqada laga caydhiyo Emery.

Sii Akhriso: Arinta Ugu Weyn Oo Sababta Ayna Dhalin Yaradu Horay Ugu Guulaysan Oo La Ogaaday