Fanaan caan ahaa oo xabsiga lagu dhexdilay

132

Fannaankii caanka ahaa, Ian Watkins, ayaa geeriyooday kadib markii xabsiga lagu dhex weeraray, sida ay xaqiijiyeen ilo gudaha xabsiga ah.

Booliiska gobolka West Yorkshire ee Ingiriiska ayaa sheegay in labo nin oo da’doodu kala ahayd 25 iyo 43 la xiray iyagoo looga shakisan yahay dilka.

Fannaankan ceeboobay ayaa 29 sano oo xabsi ah ku qaadanayay xabsiga HMP Wakefield sababo la xiriira tacaddiyo galmo oo uu carruur kula kacay.

Watkins, oo 48 iir ahaa, ayaa la xiray bishii December sanadkii 2013 isagoo loo heystay dhowr kiis oo tacaddiyo galmo uu carruur kula kacay, waxaana ka mid ahaa isku day kufsi uu u geysan rabay ilmo yar.

Booliiska ayaa shalay subax lagu wargeliyay weerarka gudaha xabsiga, hase yeeshee ninkan ayaa isla goobta ku naf baxay.

Ninkan ayaa bishii August ee sanadkii 2023 sidan oo kale loo soo weeraray, balse waxaa gaaray dhaawac fudud.

Fannaankan ayaa xiddig caan ah ahaa markii uu ku jiray da’da 20-meeyada, wuxuuna iibiyay malaayiin album oo heesihiisa ah guud ahaan dunida, isagoo lahaa taageero aad u xooggan oo masraxyadiisa buuxdhaafin jiray.