Fanaan isagoo heesaya ladilay

1543

Fanaan caan ka ahaa Qoymiyada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku geeriyooday Hotel ay ka socotay munaasabad uu ka heesayay ,kadib markii ay ku dhacday rasaas qaab dabaal deg ah goobtaasi looga riday.

Munaasabad ay dad badan kasoo qeyb galeen ayaa ka socotay Hotel cusub oo laga furay magaalada Ashufe oo ku taalla degaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya, waxaana munaasabada furitaanka kasoo qeyb galay dad badan oo lagu casuumay.

Fanaanka Dadhi Gelan ayaa heeso madadaalo ah ka qaadayay munaasabada ka socotay Hotelka cusub, waxaana fanaanka goobta uu ku geeriyoonayay ka qaaday heeso u badnaa wadani uu ku guubaabinayay qowmiyada Oromada.

Hotelka Munaasabada ka socotay ayaa laga dhax ridayay xabado loogu tala galay in lagu muujiyo farxada halkaasi ka jirtay, waxaana Qowmiyada oromada caado u ah in xiliyada murugada iyo farxada ay rasaas kor u ridaan.

Rasaastii farxada lagu muujinayay ee kor loo ridayay ayaa la sheegay in ay ku dhacday fanaan Dadhi Gelan, waxaana fanaanka u dhintay rasaasta ku dhacday xili uu soo gabo gabeeyay heesihii uu munaasabada ka qaaday.

Mid kamid ah saaxiibada fanaanka geeriyooday ayaa sheegay in hees kasta oo uu fannaanka masraxa ka qaado loo ridayey ugu yaraan 50 ilaa 60 rasaas noonool ah, wuxuuna fannaanka marar badan cod dheer ku lahaa xabadaha aad rideysaan iga ilaaliya”

Hotelka ay ka socoay munaasabada furitaanka ayaa mar qura lagu kala cararay kadib markii xabad wiifto ah ay ku dhacday fanaankii munaasabada heesaha u badnaa guubaabada ka qaadayay.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN