Fanaanad kale oo maanta Covid-19 ugu geeriyootay Muqdisho

1559

Ilaah ha u naxariistee waxaa maanta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho cudurka safmarka ah ee Covid-19 ugu geeriyootay fanaanada Qaran Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer) oo katirsaneyd hoobalada Waabari.

Fanaanada ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hayay cudurka Covid-19 maantana ugu geeriyootay isbitaalka Martiini, waxaana geerida fanaanadan aad uga naxay Fanaaniin badan oo Soomaaliyeed.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Fanaaniin iyo abwaano ayaana ka tacsiyadeeyay geerida fanaanada Qaran Saafi Dheer, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowsa ka waraabiyo .

Cudurka Covid-19 oo kusii faafaya magaalada Muqdisho ayaana ka dhigaya fanaanadii labaad oo 24-saac gudahood cudurkan ugu geeriyoota isdbitaalka Martiini, waxaana shalay cudurkan u geeriyootay hoobalada Faaduma Nakruuma.