Fanaanadii Asma Saban oo xalay geeriyootay

157

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban).

Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay.

Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda.

Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay geerideeda iyo waxa sababay, maadaama ay iska soo daba dhacayaan warar kala duwan.

Asma Saban ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aadka loo jeclaa, iyadoo qaaday heeso badan oo sanadahaan dambe aad loo dhageysto.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana lagu wadaa in Kooxda ay ka tirsanayd ee Xidigaha Geeska ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan geerideeda.

Hadal heynta iyo tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ayaa saacadihii ugu dambeeyay hareysay baraha bulshada, in kastoo wararka ka soo baxaya ay weli is khilaafsan yihiin.