Fanaaniinka Faarax Murtiile oo lagu xukumay xarig +VIDEO

1857

Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa soo saaray Waaran lagu xidhi karo Fanaanka Caanka ah Ee Faarax Murtiile hadii uu yimaado Deegaanada Maamulkaasi.

Faarax Murtiile oo ah sidoo kale Abwaan Heesaha Sameeya ayaa Labo Habeen ka hor ka degay Garowe isagoo kasoo socdaalay Magaalada London Ee Caasimada Dalka Ingiriiska.

Xalay ayaa waxa uu faarax murtiile ka jeediyey Khudbad xafladii Caleemo saarka aheyd Ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani oo lagu casuumay.

Faarax Murtiile ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Soomaaliland,waxaana xeer ilaalinta ay fasaxday oo ay soo saartay Garoomada Diyaaradaha Deegaanadeeda hadii uu kasoo dego in la xiri karo.

Hadalka lagu Heysto Abwaan faarax Murtiile ayaa ah inuu Farmaajo yiri waa inaad tagtaa Soomaaliland,xilli ay jirto Soomaaliland oo isku heysata dal ka go’ay Soomaaliya.