Fanaqayn:Zinedine Zidane Oo Mar Kale Real Madrid Ka Dhigay Koox Awood Leh & Go’aanada Uu Qaatay Oo Muujinaya

1548

Zinedine Zidane ayaa mar kale sameeyay….

Sidii sanadkii 2016 markii uu qabtay koox dhibaatoonaysa kagana dhigay koox awood leh oo tartamaysa.

Waxa laga yaabaa in uu markan lacag badan galiyay kooxda marka loo eego markii ugu horaysay ee uu qabtay shaqada Real Madrid 3 sano ka hor laakiin Natiijooyinka ayaa ah mid aan la beenin karin.

Zidane ayaa muujiyay in uu yahay mid ka badan tababare kaliya.

Waxa laga yaabaa in uuna lahayn khibrada ugu weyn laakiin farsamada xidhiidhkiisa iyo awoodiisa uu ku samayn karo go,aanada waaweyn ayaa muhiim u ah Real Madrid waliba kooxda ka dhigtay mid awood leh.

Markii uu tababaraha reer France hogaamiyay Real Madrid markii ugu horaysay waxa uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaray xiddiga Casemiro kaas oo ka caawiyay in uu 3 champions league oo xidhiidh ah ku hogaamiyo kooxda.

Haatan Zidane ayaa qaab ciyaareed fiican ka soo saaraya xiddigaha da,yarka ah ee Fede Valverde iyo Rodrygo kuwaas oo ka mid ah kooxda 1-aad.

Go’aanka uu Zidane Valverde kaga doorto xiddigaha khabiirada ah ee Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa noqonaysa dookhyo sax ah mar walba marka loo eego qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu da,yarka reer Uruguay soo bandhigo.

Tababaraha reer France ayaa sidoo kale qaatay go’aano ku saabsan Isco, Vinicius, James Rodriguez & Gareth Bale isaga oo dhamaantood ka doortay da,yarka Rodrygo kaas oo kalsoonida tababaraha ugu abaal guday qaab ciyaareed heer sare ah.

Daafaca Los Blancos ayaa sidoo kale qaab fiican soo bandhigay bilihii ugu dambeeyay iyaga oo kaliya laga dhaliyay 10 gool 13-kii kulan ee la ciyaaray horyaalka iyada oo uu sidoo kale qaab fiican ku jiro Thibaut Courtois kaas oo noqday badalka Keylor Navas.

Dhanka kale Eden Hazard ayaa xidhiidh cajiib ah la sameeyay Karim Benzema oo isagu u muuqda mid buuxinaya maqnaanshaah Cristiano Ronaldo ee weerarka Kooxda.