Farmaajo iyo Antonio Guiteres oo Addis-Ababa kula kulmay

1891

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamo gaar gaar ah oo Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka Midowga Afrika.

Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Qaramada Midoobey iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda Balal Cusmaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa mugdi galay, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaddib markii lagu eedeeyay inuu fara gelin ku hayo arrimaha gudaha iyo madax banaanida Soomaaliya.