Farmaajo & Kheyre oo isku fahmi la’ doorashada Galmudug

1864

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isku fami la’ hanaanka saxda ah ee loo wajahayo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in la dedejiyo doorashada si madaxweynaha ay wadato Villa Somalia ugu soo baxo ugana qeyb galo shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee sanadkan ka dhacay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya in waqti iyo fursad ku filan la siiyo guddiga doorashada Galmudug si ay uga baaraan degaan howlaha muhiimka ah ee horyaala si doorashada habsi ugu dhacdo.

Doorashada Galmudug ayaa hadda meel xasaasi ah mareysa,waxaana ka taagan xaalad cakiran,taas oo sii dheereyneysa hanaanka geedi socodka doorashada.

Ururka Ahlu suna ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Afduubatay doorashada,islamarkaana magaalada Dhuusamareeb ay ka socdaan siday iyadu wax u doonto.

Sidoo kale, qaar ka mid ah musharaxiinta Galmudug ayaa sheegay ineysan ka qeyb galeen doorasho cid gaar ah u afduuban tahay.