Farmaajo oo Aqbalay Dhax dhaxaadin uu Wado Qoor Qoor

1377

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aqbalay dadaalo dhax dhaxaadin ah uu Madaxweynaha Galmudug ka dhax wado Dowlada Federaalka iyo Madaxda Jubbaland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Garawe ayaa kulamo uu la qaatay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland kaga codsaday in uu dhax dhaxaadiyo iyaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya si xal looga gaaro doorashada.

Kulan saacado badan qaatay ayaa shalay Villa Soomaaliya ku dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya uu Wehliyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxda vMaamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sida aan xogta ku helnay Kulanka ayaa diirada lagu saaray caqabadaha doorashada ku hor gudban gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo iyo arinta doorashada Xildhibaanada labada aqal ee gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wadahadalo dheer kadib la sheegay in uu aqbalay in la xaliyo arinta gobolka Gedo ee isku hayaan Dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland lana qabto shir dib u heshiisiin ah kahor doorashada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka dhax maray Farmaajo iyo Qoor Qoor isla garteen arimo dhoor ah, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Galmudug la xiriiro Madaxda Jubbaland iyo Puntland si uu ugala hadlo halka ay marayaan dadaalo uu wado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu aqbalay in dib loogu laabto xubnaha guddiga doorashada ee lagu murasansan yahay uuna wax ka bedelo xubnaha qaar ee fartu ku godan tahay.