Farmaajo oo asna maanta tagaya Garowe

1701

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland, halkaasoo uu ka furmayo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya wafdiga ugu dambeeya ee maanta tagi doona Garowe, kaddib markii ay shalay gaareen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Garowe, waxaana shalay illaa saaka gaaray magaalada wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha oo isugu jira Saraakiil ciidan, howlwadeeno iyo Ilaalo.

Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka, taasoo ah sidii shirka Garowe ay uga qeyb geli lahaayeen.

Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Garowe ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf ka dhashay sharcigii doorashooyinka oo ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana sharcigaas ka hor-yimid saddex maamul goboleed.

Shirkan ayaa ka duwanaan doona shirarkii hore ee ahaa Golaha Amniga Qaranka, waxaana uu yahay shirkan mid wadatashi ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo sanad ah wax shir ah yeelan, tan iyo shirkii Baydhabo ka dhacay bishii June ee sanadkii hore, waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac, kaasoo hakiyay wada shaqeyntii ka dhaxeysay.