Farmaajo oo dalbaday in loo kala dhex boxo isaga iyo Axmed Madoobe

1636

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo katirsan madaxtooyada Galmudug ayaa ku waramaya in madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in loo kala dhax-baxo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku howlanaa xallinta khilaafka labada dhinac ayaa arrinta meel wanaagsan gaarsiiyey hase yeeshee Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in loo kala dhaxbaxo isaga iyo Axmed Madoobe si ay uga wada hadlaan arrinta gobolka Gedo iyo khilaafka doorashada.

Ka sokow saraakiisha katirsan madaxtooyada Galmudug xildhibaano ka agdhaw madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in Farmaajo uu ka dalbaday madaxweynayaasha Galmudug, koonfur Galbeed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin in uu doonayo inaan lagu sii kala dhex jirin isaga iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Arrintaan ayaa soo baxday kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen doorashada ka dhacaysa gobolka Gedo oo labada madaxweyne mid kasta uu dalbanayo in loo madax banneeyo si uu u soo magacaabo guddiga doorashada ee xubnaha ka imaanaya gobolkaasi.