Farmaajo oo dalbaday in Rooble lala kulansiiyo

1006

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee dalku ay kulamo ka yeelanayaa khilaafka ka dhex aloosan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday saaxiibadiisa Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen iney la kulansiiyaan Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoona kulankaasi diirada lagu saari doonnaa maamulka laamaha Amniga gaar ahaan booliska iyo hay’adda nabad sugida oo ay isku hayaan.

Madaxweynaha ayaa waxaa la soo werinayaa inuu wali ku adkeysanaayo maamulka laamaha Amniga halka uu diidan yahay arintaasi Maxamed Xuseen Rooble, inkastoo madaxda dowlad goboleedyada ee dhex dhexaadinta wada ay rajo ka qabaan heshiis laga gaaro murankaasi.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa howl geliyey wasiirkii amniga ee uu dhowaan magacaabay, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu aysan u joojin doonin xuluufaysiga siyaasadeed ee kaga imaanaya dhanka Villa Somalia.