Farmaajo oo gaaray Garowe+SAWIRRO+VIDEO

1917

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray goordhow magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland isagoo ka qeybgalay kulan lagu wado inuu berri ka furmo Garowe.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga uu horkacayay Mdaxweyne Farmaajo garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa si aad ah uga hooseysay soo dhoweyntii hore uu ugala kulmi jirey magaalooyinka uu booqasho ku tago ee dalka Soomaaliya.

Kahor inta uusan gaarin Madaxweyne Farmaajo magaalada Garowe ayaa waxaa ugaga sii horeeyay Madaxda Maamul goboleedyada iyo weliba Ra’iisal Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.