Farmaajo oo galabta tagaya Dhuusamareeb

1522


Agaasimaha warfaafinta madaxdtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyey safar uu madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegayo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Cabdinuur ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu gelinka dambe ee maanta tegayo magaaladaasi, islamarkaana uu uga qeyb-galayo shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka oo dhowaan ka dhacaya halkaasi.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Dhinaca kale waxaa haatan magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta loogu jiro wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Ad by Valueimpression
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo lagu soo aadiyey, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka siiba arrimaha doorashada 20/21.