Farmaajo oo iclaamiyey shir ka dhici doona Garowe

1362

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isugu imaanayaan 15-ka bishan.

Shirkaas ayaa ka dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana shirkaas hoggaamin doona madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa inuu Isniinta 15-ka Feb 2021 martigeliyo shir heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii Doorashooyinka ee 17 Sep. Shirka hoggaanka waxaa lagu qaban doonaa magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey twitter-ka madaxtooyada.