Farmaajo oo ka tanaasulay doorashadii qof & codka ahayd

1627

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tanaasulay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Cali Fiqi oo kamid ahaa xubnaha mucaaradka ah ee Madasha Xisbiyada Qaran ee sida weyn u diidanaaa madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah isla markaasna go’aanadii laga soo saaray shirka Dhuusamareeb ay kamid ahaayeen in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashadu wakhtigeeda.

“Waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay doorashadii Qof & Cod ahayd dawladaha xubnaha ka ah DFS intoodii shirka ka qayb gashayna ay ayana ka yimaadeen doorasho si toos ah u dadban” Ayuu yidhi wasiir Fiqi.

Wasiirka Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in qodobada ugu waa weyn ee arimaha doorashooyinka ay si wanagsan iskugu af garteen dhinacyada isla markaasna guul laga gaadhay waxyaabihii la isku hayey.

“DHUSAMAREEB-3 dalka doorashadiisii ur bay u baxisay luqad la fahmi karo iyo doorasho dadban-toosan iyo model la yiraahdo wada guulaysta ayaa kasoo baxay” ayuu yidhi mar kale wasiir Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Doorashada ka dhici doonta dalka ayaa ah mid deegaan, taas oo loo asteeyey in ay ka dhacdo deegaano amaan ah.

Dhamaanba xisbiyada ka jira dalka ayaa kuwada loolami doona doorashada lagu heshiiyey ee qaab deegaanka ah, taas oo ah mid dadban sida la sheegay.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqan yihiin dhinacyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu meel mariyey qaabka doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya, waxaana danjiraha Soomaaliya fadhiya Qaramada Midoobe Abukar Cismaan Baalle uu ka hor sheegay kulankii Qaramada Midoobe in madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisuba ay diyaar u yihiin in doorashada lagu qabto xiligeeda isla markaasna ay muhiim tahay in dhinacyada kala duwan ee Soomaalidu ay kawada hadlaan nooca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya.

Halka hoose ka akhriso qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.