Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka

1562

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ,halkaas oola filayo in uu ka furmo shirka Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo maanta tagayo magaalada Dhuusomareeb si uu u hogaamiyo wareega labaad ee shirka Dhuusomareeb ee loo balansanaa.

”Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen in uu tago magaalada Dhuusomareeb kana qeyb galo shirkii loo balansanaa ee Dhuusomareeb 3.

Shirka Dhuusomareeb ku yeelanayaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee go’aanka looga gaarayo doorashada dalka ayaa balantu aheyd in maanta dhaco hasa ahaatee waxaa muuqataa in dib u dhac kooban ku imaanayo.

Beesha Caalamka qoraal shalay kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusomareeb si go’aan looga gaaro doorashada dalka.