Farmaajo Oo Safar deg deg ah ku aaday Koonfurta Suudaan

1595

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waaberigii hore ee saakay ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa u dhoofay Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan, waxaana safarka Madaxweynaha uu ahaa mid aan horey loo sii shaacin.

Lama oga Ujeedka safarkaan Deg-dega ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu ambabaxay Magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Sidoo ma jiro wax war ah oo ah kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan socdaalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ujeedka safarkiisa uu saakay ugu baxay Koonfurta Suudaan.