Farmaajo,Rooble ,Bashiir Goobe iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo shir usocdo

1155

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta Villa Soomaaliya waxaa weli ka socda wada-hadallo gaar ah oo u dhexeeyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dib loosii amba qaaday wada-hadalladan oo xalay soo billowday, waxaana ku biiray xubno horleh oo mas’uuliyiin ah iyo sidoo kale saraakiil.

waxaa kulanka maanta ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya Farmaajo iyo Rooble ku wehlinayey wasiirka amniga gudaha ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha ee C/laahi Maxamed Nuur & agaasimaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in wada-hadallada intooda badan diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa arrinta hay’adda NISA iyo dooda ka dhalatay magacaabista wasiirka cusub ee amniga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in uu jiro tanaasul ay sameeyeen labada dhinac, inkastoo weli qodobada qaar la’isku hayo.

Waa markii ugu horreysay oo si foolka fool ah ay isku hor fariistaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & xubnaha magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

Si kastaba, wada-hadalladan waxaa garwadeen ka ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku guuleystay in si toos uu isugu keeno labada dhinac oo khilaafkooda uu saameyn xoogan ku yeeshay geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.