Faroole oo kacaraysiiyay Deni

2334

Warsidaha PuntlandTimes wuxuu ogaaday in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ka carooday hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ahna Senator katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan madal ka sheegay in siyaasiinta kasoo jeeda mandiqadaas aysan hadda u tartameynin jagada Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo tan iyo markii uu xaafiiska yimi sannadkii 2019-kii ku jiray dagaal siyaasadeed uu kuhayay Dawladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa u arka in warka Faroole halis ku yahay mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo dhammaan arrimihii uu ka shaqeynayay.

Deni ayaa ka fakarayay sida ay xoguhu cadeynayaan sidii uu iskugu sharaxi lahaa Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxana hadalka Faroole uu ku yahay dhaawac weyn oo xagga siyaasadda ah, maadaama laga soo hordhacay xogtiisa.

Qaar kamid ah saaxiibada Madaxweyne Deni oo uu kulan la yeeshay ayuu kusifeeyey hadalka Faroole mid aan meeshaba oolin oo laga maarmi karay, isagoo sheegay in uu isagu yahay qofka hadda siyaasadda deegaankaas jiheynaya oo ay tahay in looga dambeeyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa qaar kamid ah Lataliyaashiisu kula taliyeen in uu noqdo Musharax Madaxweyne Soomaaliyeed doorashada dhaw ee 2021-ka, dad badana ayaana qaba in ay tahay aragti weyn oo ka guuxaysa Siciid Deni.

Warsidaha PuntlandTimes ayaa fahamsan in is-heysiga u dhaxeeya shabakadaha ku loolamaya awooda Puntland ay muujinayso arrintan, waxaana soo baxaya xogta cadeynaysa in ay kooxaha guduhu aad ugu kala jabsan yihiin xataa qorshaha raadinta wasiirka koowad oo ay qolo kasta gaarkeeda u raadinayso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lafilayaa in marka la gaaro hanaanka heshiiska doorashada Federaalka uu qaato go’an siyaasadeed ku wajahan arrimaha doorashooyinka, isagoo hadda xildhibaanada kasoo baxaya deegaanada Puntland doonaya in uu ku soo saaro dad aragtidiisa la dhacsan.