Faroole oo noqday senetarkii ugu horeyay ee kasoobaxa Puntland

1402

Magaalada Garoowe waxaa haatan ka socota doorashada 11- Senator ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatorada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqonaya Senatorkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kursiga labaad waxaa isaga horyimid Kowsar Cabdullaahi Xirsi iyo Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), hayeeshee Kowsar ayaa inta aan la-gelin codeyta doorashada golaha ka shaacisay inay u tanaasushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gaagaab.

Intaasi kadib golaha wakiilada Puntland ayaa cod gacan taag ah ugu wada codeeyey musharrax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), waxaana uu ku soo baxay 65 cod oo dhammaan codadka xildhibaanada ka qeyb-galaya doorashada ka socota Puntland.

Dhanka kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kuraasta xigta ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ku sugan ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabad-gelyada guud ee doorashada.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.