Fashil ku yimid Shirkii uu Iclaamiyay Farmaajo

1448

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan iclaamiyay in 15-ka bishan oo maanta ku beegan shir mar kale isugu imaanayaan Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Farmaajo ayaana sheegay in shirkan oo looga hadli lahaa arimaha doorashada gaar ahaan dhameystirka heshiiskii 17-ka September lagu qabanayo Garawe, hasa ahaatee Puntland ayaa diiday in shirkaasi marti galiso waxa ayna ku baaqday in Muqdisho lagu qabto.

Shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaana u muuqda mid fashilmay maadaama aysan muuqan ilaa hada saan saan uu ku qabsoomayo, mana jiro ilaa hada go’aan laga gaaray qabsoomida shirkaasi iyo goobta lagu qabanayo.

Qoraal dhawaan kasoo baxay Wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay qabsoomnida shirkan, waxa ayna beesha Caalamka ka digtay in dib u dhac ku yimaado shirkaasi aan mar marsiiyo looga dhigin goobta uu ka dhacayo.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaana dhagaha ka fureestay baaqa beesha Caalamka ee ku aadanaa in shirkaasi dhaco waqtigii la qorsheeyay, lamana oga go’aanka kale ee beesha caalamka qaadan doonaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo la sheegay in kasii baaran dagayaan shirka la filayo in ay isugu yimaadaan DF iyo kuwa maamul goboleedyada.