Faysal Ali Waraabe oo weerar afka ah kuqaaday Itoobiya

141

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Itoobiya ay markasta ixtiraam u hayso madaxbannaanida Soomaaliya lakiin anay Somaliland kamid ahayn.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ayuu ku sheegay in Itoobiya ay naf-hur badan u samaysay Soomaaliya, oo ay ixtiraam badan siisay lakiin anay Somaliland waligeed kamid ahayn.

“Itoobiya waligeedba way ixtiraamtaa madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ciidamadeeda ayay ku daadguraysay 2006 si ay waddankan guuldaraystay uga caawiyso in nabad lagu soo celiyo, halkaasi oo askar badan oo Itoobiyaan ahi ay ku nafwaayeen, lakiin Somaliland waligeed qayb kama noqon Soomaaliya” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in midowgii uu burburay 1991 kadib 10 sanno oo uu socday dagaal uu dhiig badani ku daatay intaa kadibna ay Somaliland noqotay waddan dimuquraadi ah, sida darteedna loo bahanyahay in caalamku uu ixtiraamo madaxbannaanideeda, iyo isfahanka Somaliland iyo Itoobiya oo dhamaystir ku dhaw ayuu yidhi.

Isfahanka dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo hada ay dowlada Turkigu isku xilqaantay dhexdhexaadinta labada dhinac oo la rajaynayo in ay kulankoodii labaad ee wadahadalada todobaadkan ku yeeshan Ankara.

Inkasta oo aan horumar laga samaynin wareegii kowaad ee wadahadalada, waxa laga warsugayaa wareega labaad oo wakhtigiisii laga soo hormariyay hadii ay dhinacyadu isla gaadhidoonaan isfahan.