Faysal Cali Waraabe:- aniga iyo Ciro waxaan kusheeshiinay in dalka lakeeno Amisom +VIDEO

1917

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan.

Wuxuu ayaan Darro ku tilmaamay Xaalada degdega ah ee lagu soo rogay deegaano kamid ah gobolka sanaag, Wuxuuna sheegay inay Sumcad Xumo baahsan usoo jiiday Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu soo Booday, Wuxuuna tacsi u diray Saraakiishii halkaasi lagu diley.

Dhinaca kale Faysal wuxuu Dhaliilay Hogaaminta gudoomiyaha Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax, Wuxuuna sheegay inay Maraddu ka dhacday, Islamarkaana aanu masuuliyad qaadi karin, Sida uu hadalka u dhigay.

Faysal ayaa sidoo kale ka hadlay Kulamadii u dhexeeyay Xisbiyadda ee ku aadanaa Arimaha Doorashada, kuwaasi oo la isku Mari waayey, Wuxuuna dhaliilo u jeediyey Xisbiga Wadani.