Feysal Cali Waraabe Oo dacwad lagu soo oogay

1643

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta Somaliland.

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe, iyagoo Eedeyn kulul u jeediyay.

Garyaqaan C/raxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanadda dhanka sharci ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu u sheegay in Golaha ay Xeer ilaalinta maamulkaas u gubiyeen Dacwad ka dhan Eng. Feysal.

Xildhibaanada Golaha ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka maamulkaasi.