Filsan Cabdullaahi oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee wasiir kanoqota Itobiya

1971

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayuu xilka Wasiirka Haweenka iyo Caruurta Itoobiya ugu magacaabay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Filsan Cabdullaahi Axmed .

Gabadhan Soomaaliyeed oo soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo Soomaaliyeed xil wasiir ka qabata dowlada federaalka Itoobiya.

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa kamid aheyd dhalinyarada saameynta muuqata xiligan ku lahaa gudaha Itoobiya, waxa ayna gabadhan iska leedahay Telefishinka keliya ee madax bannaan ee laga furay gudaha deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo (Nabad TV).

Soomaalida kunool dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Filsan Cabdullaahi oo ay sheegeen in ay ka filayaan waxqabad muuqda, waxa ayna u muujiyeen gabadhan Soomaaliyeed garab istaag iyo taageero.