Fiqi: “Itoobiya Somalia uma joogto la dagaalanka Shabaab”

33

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Fiqi ayaa si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ah in ay qaadato qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu san waxba ka jirin sheegashada Itoobiya ah ee ah in ay la dagaalamayso Al-Shabaab balse ay isku dayayso in ay indhaha ka qarsato colaada ka holcaysa gudaha Itoobiya.

Wasiir Fiqi wuxuu si xooggan u diiday sheegashada dhuleed ee Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso la dagaallanka argagixisada sidii marmarsiiyo ay dhul ugu qabsan lahayd. Wuxuu sidoo kale soo bandhigay in la qabtay hub sharci-darro ah oo Itoobiya ka yimid, kuwaasoo hurinaya dagaallo maxalli ah oo awood siinaya kooxaha xagjirka ah, isagoo tallaabooyinkan ku tilmaamay xadgudub cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qiray taageerada Hawlgalka Kumeel Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), wuxuuna xoogga saaray howlgallada xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS, iyadoo adeegyada dowladeed lagu ballaariyay deegaannada la xoreeyay. Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqaynta Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga iyo maamulidda iyadoo waddanku ku jiro marxalado muhiim ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa u mahadceliyay hoggaanka Switzerland ammaanna u jeediyay Danjire Sania Strasi doorkii ay ka qaadatay doodihii hore.

Wuxuu sidoo kale xusay wadatashiyada qaran ee ka socda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo ujeedkoodu yahay horumarinta maamulka loo wada dhan yahay iyo dib-u-habaynta doorashooyinka.