FIQI oo yiri Shariif iyo CC: Cudur siyaasadeed baa ku dhacay

11

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jawaabay xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee eedeymaha u jeediyay dowladda dhexe.

Fiqi ayaa si gaar ah uga falceliyay shirkii jaraa’iid ee ay shalay wada qabteen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo weerar culus ku qaaday Madaxweynaha, iyaga oo ka horyimid heshiis uu lasoo galay Itoobiya iyo arrinta doorashada.

Wasiirka ayaa xasuusiyay in saddexda ninba ay ka tirsan yihiin baarlamaanka, isla markaana waxa ay diidaan, gaar ahaan arrinta doorashada ay meel-mariyeen labada gole, balse ay muuqdaan kuwa leh dano kale oo siyaasadeed oo haddana deg-degaya.

Baarlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.! Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon)” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale weerar jawaab celin siiyay xubnaha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in aysan kala garaneyn waxa ay rabaan iyo waxa ay diidaan, sida uu hadalka u dhigay.

Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay in dalka uu aadan doorasho toos ah, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, kadibna boorka laga jafo xisbiyada iyo ururada siyaasadda.