Franka Lampard Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Christian Pulisic & Callum Hudson-Odoi Ka Hor Kulanka Man City.

1769

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka warbixiyay dhaawacyada xiddigaha kooxdiisa ee Christian Pulisic & Callum Hudson-Odoi ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.

Frank Lampard ayaa sheegay in ay u badantahay in uu Callum Hudson-Odoi seegi doono kulanka ay Chelsea martida u noqon doonto kooxda Man City.

Chelsea ayaa Man City ku booqan doonta Etihad Stadium sabtida waxana uu xiddiga reer England kulankaas ku seegi doonaa dhaawac muruqa ah.

Laakiin Lampard ayaa sheegay in uu Christian Pulisic taam u noqon doono kulanka kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii xulka qarankiisa.

Christian Pulisic ayaa dhaawac looga saaray kulankii ugu dambeeyay ee ay chelsea ka badisay Crystal Palace sabab la xidhiidha dhaawac sinta ka soo gaadhay laakiin waxa uu diyaar u noqon doonaa kulanka Man City.

“Christian Pulisic muu aadin xulka qarankiisa waxana aan la xidhiidhnay qaybtooda caafimaadka, waxa aan Ixtirmaayaa in ay doonayeen xiddigooda ugu fiican”ayuu Lampard yidhi.

“Waxa uu dareemay dhibaato kulankii ugu dambeeyay ee Palace laakiin waxa uu ka qayb qaatay tababarka waxana uu diyaar u yahay in uu ciyaaro”.

“Callum Hudson-Odoi waxa uu dhaawac muruqa ah kala soo laabtay xulka qaranka England”.

“Waxa uu ku dhibaatoon doonaa in uu taam u noqdo kulankaas laakiin waa dhaawac wakhti dhaw ah”.