G/le.Duraan Cabdi Xaashi oo loomagacaabay Taliyaha Amniga Gobolka Mudug

1902

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu magacaabay Xubno caan ka ah Gobolka Mudug,qaarkoodna saraakiil ay soo ahaayeen muddo fog.
Advertisement

Axmed Ducaale Xaaf ayaa Taliyaha Amniga Gobolka Mudug umagacaabay Gaashaanle Duraan Cabdi Xaashi iyadoo Kuxigeenkiisa ka dhigay Dhamme Mahad Axmed Warsame.

Waxay Magacaabistaan kusoo aadeysaa iyadoo Gaalkacyo la iskugu diyaarinayo Doorasho ka dhacda Dhawaan oo Gudoon baarlamaan iyo Madaxweyne Galmudug lagu soo doorto.

Sidoo kale Xaaf oo weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha Sharciga ah ayaa waxa uu sheegay inay Doorashada Dhuuso mareeb waxba ka gelin oo Gaalkacyo doorasho ku qabsanayaan.