Gaadiid Xamuul kii ugu badnaa oo ku xaniban Duleedka Garoowe +SAWIRRO

1382

Baabuurtii ugu badneyd ee ka timi Dekeda magaalada Boosaaso, isla markaasna Adeegyo kala duwan u wada gobalada dhexe ee Soomaaliya, Dawlad deegaanka Soomaalida iyo gobalada kale ee Puntland ayaa ku xaniban duleedka magaalada Garoowe, ka dib markii ay diideen laamaha Canshuuruhu in ay Canshuurta ku qaataan lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Kastamka ayaa sheegay in ay haystaan amar dawladeed oo ah in aysan waxba Canshuur ah ku qaadi Karin lacagta Shiling Soomaaliga, taas ayaana kalifay in ay gaadiidka oo fara badan iskugu yimadaan garoonka magaalada Garoowe, oo ay muujiyaan cabashadooda arrintan ku wajahan.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa walaac ka muujiyey go`aanka dawladda waxayna sheegeen in ay tanni tahay halis weyn oo dhaqaale darro, maadaama ay Xukuumaddu horey u sheegtay in dekeda Boosaaso oo kaliya lagu bixin karro Dollarka oo kaliya.

Hadal-hayeen dhawaan u hadlay Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in aysan Puntland joojin isticmaalka lacagta Shiling-ka Soomaaliga ah, balse ay ka joojiyaan in lagu qaado Canshuurta Kastamka dekeda Boosaaso, laakiin dhamaan kastamyada kale lagu qaadan doono.

Sheegashada Xukuumadda ee warka ah in Kastamyada kale lagu qaadn karro, waxaa beeniyey ficilada Kastamyada Canshuuraha ee hadda diidan, tas oo ay dad badan walaac ka muujinayaan sida ay Xukuumaddu u hirgalinayso go`aamadan.

Sidaas oo kale Suuqa magalada Garoowe ayaa xiran dad badana ayaana muujinaya walaaca ay ka qabaan go`aamada xagga dhaqaalaha ee lasoo rogay, waxaana gudaha Puntland la joojiyey in wax ka yar 1$ ay shirkadaha Isgaarsiinta telfoonadooda lacagta aan laga diri Karin.