GAALKACYO oo dad badan lagu qab-qabtay

1686

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay geysay magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howl-galladu inta ay socdeen saameeyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay koonfurta degmadaasi.