Gaalkcyo Galmudug oo laga Daah.furay Gurmadka Ree Baladweyne.

2486

Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Duqa degmada Gaalkacyo ayaa saakay daah furay ololaha ugurmashada shacabka magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan oo uu saamayey fatahaada wabiga Shabeellle.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa si wadajir ah tacsi ugu diray shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatada Fatahaada Wabiga shabeelle.

Xirsi Yuusuf Barre duqa degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago dadka aan walaalaha nahay ee reer Hiiraan isagoo hal ku dhig uga dhigay ” Reer Hiiraan hiil bay naga rabaan”

Gudoomiyaha GobolkaMudug C/raxmaan Cali Diiriye isxal oo la hadlayay Gudiga gurmadka ayaa shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inaysan yaraysan dhibaatada ay wajahayaan shacabka Gobolka Hiiraan iyo meelaha ay saameyen Fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Ololahaan ayaa waxaa hor kacaya gudi ka kooban Odoyaal Culimada iyo Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo, waxaana kor joogta ka noqon doona maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo, iyadoo inta uu socdo ololahaan lagu garab istaagayo shacabka Gobolka Hiiraan ee uu barakiciyay Fatahaada Wabiga Shabeele.