Gaari Ciidan oo lagu gubay Muqdisho

1840

Gaari Cabdi bile ah oo ay leeyihiin Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu gubay Iska horimaad Kooban oo maanta dhexmaray Ciidamo Milatari ah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Isgoyska maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka gaari ay wateen Ciidanka Milatariga ayaa la gubay ka dib dagaal dhexmaray Booliska iyo Milatariga Soomaaliya oo ka yimid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Milatariga ayaa yimid ka gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana loo diiday in ay maraan Isgoyska maanaboolyo ee magaalada Muqdisho taasoo keenay dagaalka labadda dhinac.