Gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo laqarxiyay +SAWIRRO

226

Ciidamada xoogga dalka ayaa gubay gaari nuuca Layla Calaawi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo uu waday nin ka tirsan kooxda Alshabaab oo doonayey inuu isqarxiyo.

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalka lagu gubay gaarigan uu ka dhacay degaanka Xuseen-Cagey oo hoostaga Magaalada Mesegawaa ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in hawlgalkan uu yimid ka dib markii ay heleen warbixin sirdoon, taasoo sababtay in lagu guuleysto ka hortago gaarigan qaraxyada laga soo buuxiyey ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkii loo waday oo illaa hadda aan la ogeyn.

Arrintan ayaa ku soo aaday xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay bilaabeen duulaanka lagu xoreynayo degaanada bariga gobolka Galgaduud.