Gabadh Burco ku sugan oo Su’aal uga yaabsatay Prof. Cali Khaliif+VIDEO

1901

Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii Khaatumo oo horay heshiis ula galay Somaliland iyo Prof. Axmed Samatar ayaa Xalay dood ku saabsan Arimaha Somaliland ku Qabtay magaalada Burco.

Gabadh kamid ah dadkii madasha kasoo Qayb galay ayaa Dr. Cali Khaliif Waydiisay Su’aal lagu tilmaamay Midii ugu Xiisaha badnayd ee Madasha laga soo gudbiyo.

“Adeer waxaad noo sheegtay inaad TABLIIQ ka Noqotay Somaliland danteeda iyo sida wax u jiraan, Horay waxaad usoo Noqotay Raysal wasaare, waxaad u tartantay Madaxwayne, ugu dambayn Waxaad Masiirkeeda Hogaamisay Ummad dhan [Khaatumo], Adigoo si siman Somaliland ula gorgortamay, Maxaa sababay inaad hada Tabliiq ka noqotid Somaliland oo marba aad magaalo Muxaadaro ku Qabto, Adigoo aan aan ku Qaban Karin Badhan iyo Buuhoodle, Ummadii aad hogaamin Jirtay side ayay ku dhici kartaa inaad matasho, iyagoo aan Aaminsanayn waxaad ka hadlayso ?

Dr. Galaydh oo ka Jawaabay Arintan ayaa sheegay inay tahay DANTU-SEETO, Islamarkaana wuxuu sheegay inay wadi doonaan kulamada noocan ah, Isagoo kula kaftamay inay B kasii wadi doonaan ayna tegi doonaan Badhan, Boorama, Buuhodle ilaaa Berbera.