Gabar Soomaali ah oo markii ugu horaysay kamid noqotay Baarlamaanka Norwey

1069

Maryan Cabdi Xuseen oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heesata dhalashada dalka Norwey ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo Soomaali ah oo sidoo kale xijaaban oo kamid noqota Baarlamaanka dalka Norwey.

Gabadhan Soomaaliyeed ee kamid noqotay Baarlamaanka Norwey ayaa dhigtay taariikh cusub, waxa ayna noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo iyada oo xijaab xiran ka dhex muuqan doonta golaha sharci dajinta dalka Norway.

Maryan Cabdi Xuseen oo wax ku baratay dalka Norwey ayaa inta aysan siyaasadda galin waxa ay soo noqotay gudoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha dalka Norway( Somalisk Student forening, SSF).

 

Soomaalida kunool dalka Norwey ayaana si weyn usoo dhaweeyay uguna farxay guusha doorashada dalkaasi ka dhacday ka gaartay gabadhan Soomaaliyeed oo kamid noqotay Baarlamaanka dalka Norwey.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool qaar kamid ah dalalka Caalamka ayaa markan kasoo dhax muuqanaya siyaasada wadamada ay joogaan, waxa ayna  Xildhibaano ka noqdeen qaar kamid ah wadamada ay joogaan halka sidoo kale xilal sarana ka hayaan.