Gabar u geftay madaxweyne Xasan oo laga xiray Mudug

201

Ciidamada Booliska Soomaaliya, qaybta Galmudug ayaa maanta soo xiray gabar lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen oo maalmo kahor iska soo duubtay muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada, iyada oo u gefeysa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabdhan dhalinyarada ah ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayada oo boolisku uu faafiyay sawirradeeda.

Fardowso ayaa muuqaalka ay iska duubtay si aad ah ugu dhaleecaysay xarigga loo geestay dhowaan wiilal iyo gabdho loo xiray faafinta dhaqan xumo iyo hadallo kicin bulsho ah oo ay barta Tiktok-ga isku dhaafsadeen.

Sidoo kale waxay gabadhan hanjabaad toos ah u dirtay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu goodisay haddii uu yimaado magaalada Wisil oo ay sheegay inay ku sugnayd, balse maanta ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta qeyb ka yahay horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumada, qabyaaladda, kicinta dadweynaha IWM”.

Ugu dambeyn booliska Galmudug ayaa farriin u diray shacabka deegaanadaasi, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada iyo horumarka deegaanka.

“Bulshada reer Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeeyaan Taliska Ciidanka Boliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska.

Xabsiyada waxaa haatan ku jira dadkii ugu badnaa oo loo haysto anshax xumo iyo isku dirka beelaha ku faafinayeen baraha bulshada.